Ma Laga Yaabaa In Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Uu Qaato Doorkii Uu Qaatey Ra’iisul Wasaarihii Hore Rooble?
Bishii Sebtembar 2020, waxaa si rasmi ah Ra’iisul Wasaare loogu magacaabay Maxamed Xuseen Rooble, Magacaabistaas waxay timid xilli Soomaaliya ay ku jirtay xaalad siyaasadeed oo adag iyo diyaar-garow doorasho, taasoo keentay in Ra’iisul Wasaaruhu uu qaato door muhiim ah oo ku saabsan hagidda geeddi-socodka doorashooyinka iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed. Rooble ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaaminta Xukuumadda Federaalka, isagoo noqday qofka ugu saameynta badan ee maareeya xilliga kala-guurka siyaasadeed ee dalka.
Doorka Rooble iyo Saameyntiisa Siyaasadeed
Siyaasadda Soomaaliya marar badan waxay soo martay marxalado adag oo u baahan in Ra’iisul Wasaarayaashu qaataan door hoggaamineed oo dheeraad ah si loo ilaaliyo xasilloonida dalka. Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu muuqda wuxuu ahaa doorkii Rooble, kaas oo si toos ah u hagayay geeddi-socodka doorashooyinka, isla markaana dhex-dhexaadin ka sameeyay dhinacyadii siyaasadda isku hayay.
Arrintaas waxay keentay in Ra’iisul Wasaaraha uu noqdo xarunta ugu weyn ee lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, taas oo sare u qaaday miisaanka xafiiskiisa marka la eego maamulka doorashooyinka.
Xaaladda Maanta iyo Su’aasha Isbarbardhigga
Maanta, iyadoo Soomaaliya ay wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni, waxaa jira su’aalo ku saabsan in Ra’iisul Wasaaraha xilka haya Xamza Cabdi Barre uu qaadan karo door la mid ah kii Rooble.
Dastuur ahaan, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu leeyahay awood fulineed oo ku aaddan hoggaaminta Xukuumadda Federaalka iyo isku dubbaridka shaqada dowladda. Sidaa darteed, marka xaalad siyaasadeed oo adag timaado, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuu noqon karaa meel muhiim ah oo lagu raadiyo xal iyo isu-soo dhowaansho siyaasadeed.
Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda
Sida ku cad Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Federaalka (Gollaha Wasiirrada oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaruhu) ayaa leh:
- Mas’uuliyadda fulinta siyaasadaha guud ee dalka
- Maamulka hawlaha qaranka
- Hirgelinta go’aamada dowladeed
Doorashooyinka dalka gaar ahaan diyaarintooda, isku dubbaridkooda, iyo fulintooda maamul waxay si toos ah uga mid yihiin hawlaha fulineed ee dowladda, waxaana hoggaamiya Xukuumadda Federaalka.
Sidaas darteed, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu waxay leeyihiin door sharci ah oo muhiim ah oo ku saabsan hagidda iyo maareynta doorashooyinka, iyadoo lagu saleynayo kala saaridda awoodaha ee dastuurka.
Doorka Madaxweynaha
Si kastaba ha ahaatee, Dastuurku wuxuu qeexayaa in Madaxweynaha uusan si toos ah u maamulin doorashooyinka, balse uu leeyahay doorar muhiim ah:
Door ilaalin ah (ilaalinta dastuurka iyo midnimada qaranka)
Door siyaasadeed (dhexdhexaadin iyo hoggaamin qaran)
Door sharci ah (ansixin iyo saxiix sharciyo)
Xiisadahaas siyaasadeed waxay mararka qaar horseedeen adeegsiga awood dowladeed oo xooggan, iyadoo weli aan si buuxda loo gaarin xal siyaasadeed oo waara. Isla markaana, waxaa muuqata in doorka Ra’iisul Wasaaraha uu u baahan yahay in si cad oo muuqata loo xoojiyo si looga gudbo xaaladdan cakiran.
Xaaladda Hadda Dalka
Xaaladda hadda dalka uu wajahayo waa mid aad u adag, iyadoo ay jiraan khilaafyo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Iyadoo uu dhamaadey mudo xileedkii sharciga ahaa ee afarta sano ee dowladda federaalka iyo muddo xileedyada dowlad goboleedyada Isla markaana aaney jirin xeer doorasho heshiis lagu yahay
Sidaas darteed, dalka wuxuu si weyn ugu baahan yahay aragti mideysan, wada-tashi dhab ah, iyo hoggaan isku duuban oo lagu ilaaliyo xasilloonida, midnimada, iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya. Doorka Ra’iisul Wasaaraha, sida uu dastuurku qeexayo, waa mid muhiim ah oo horseedi kara isku xirka hay’adaha dowladda iyo fududeynta xal siyaasadeed oo waara, haddii si hufan loo adeegsado awoodaha sharciyeed ee jira.