WARARKA MUHIIMKA

Spain iyo Argentina oo cawa ciyaraya Final-ka Koobka Adduunka.

Radio kg
📅 July 18, 2026 at 1:33 PM

Spain iyo Argentina ayaa isku wajihi doona final-ka FIFA World Cup 2026, kulan go’aaminaya kooxda qaadi doonta koobka adduunka.

Argentina, oo ah kooxda heysata koobka adduunka, ayaa final-ka soo gaartay kadib markii ay 2-1 uga adkaatay England. Xulka Argentina ayaa doonaya inuu mar kale ku guuleysto tartanka, iyadoo Lionel Messi uu weli yahay ciyaaryahanka ugu weyn ee indhaha lagu hayo.

Spain ayaa iyaduna muujisay qaab ciyaareed xooggan intii uu tartanku socday, waxayna final-ka timid kadib guul ay ka gaartay France. Xulka Spain ayaa rajeynaya inuu ku guuleysto koobkiisa labaad ee adduunka kadib guushii 2010.

Final-kan ayaa noqon doona kulan ay si weyn u sugayaan taageerayaasha kubadda cagta, iyadoo labada kooxood ay doonayaan inay magacooda ku qoraan taariikhda ciyaaraha. Kooxdee ayaa qaadi doonta koobka adduunka 2026?

Back