WARARKA MUHIIMKA

Turkiga oo Laba Sano Kale ku Kordhiyay Hawlgalkiisa Ciidan ee Soomaaliya

radiokg
📅 July 21, 2026 at 11:06 PM

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay in muddo laba sano ah lagu kordhiyo hawlgalka ciidamada Turkiga ee Soomaaliya, taas oo muujinaysa sii socoshada iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Go’aankan ayaa u oggolaanaya ciidamada Turkiga inay sii wadaan tababarka iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale xoojinayso wada-shaqeynta la xiriirta la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga.

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee Soomaaliya, isagoo door muuqda ka qaatay tababarka ciidamada, mashaariicda horumarinta, caafimaadka, waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM ee Muqdisho ayaa lagu tababaray kumannaan askari oo Soomaaliyeed tan iyo markii la furay.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in kordhinta hawlgalku ay qayb ka tahay dadaallada lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ay kaga hadlayso go’aanka cusub ee Baarlamaanka Turkiga.

Back