WARARKA MUHIIMKA

Amiirkii Hore ee Qatar Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala Thaani oo Geeriyooday

radio kg
📅 July 12, 2026 at 7:20 PM

Dowladda Qatar ayaa Axaddii si rasmi ah u shaacisay geerida Amiirkii hore ee dalka, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala Thaani, oo geeriyooday isagoo 74 jir ah.

Salaadda janaasada ayaa lagu tukaday Masjidka Imaam Maxamed Bin Cabdulwahaab ee magaalada Dooxa, halka aaskiisana lagu qabtay magaalada Lusayl. Munaasabadda waxaa ka qayb galay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala Thaani, xubnaha qoyska boqortooyada, masuuliyiin sare iyo boqolaal qof oo ka socday bulshada Qatar.

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday baroordiiq qaran oo socon doonta afar maalmood, iyadoo calanka dalka hoos loo dhigay si loo muujiyo murugada shacabka iyo dowladda.

Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala Thaani ayaa talada Qatar la wareegay sannadkii 1995, wuxuuna hoggaamiyay dalka muddo 18 sano ah. Sanadkii 2013 ayuu si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiirka hadda talada haya, Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala Thaani, taas oo noqotay mid ka mid ah wareejintii ugu nabdoonayd ee hoggaanka dalalka Khaliijka.

Mudadii uu xilka hayay, Qatar waxay sameysay isbeddel weyn oo dhinacyada dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Horumarkaasi wuxuu sare u qaaday kaalinta Qatar ee gobolka iyo saameynta ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.

Geerida Amiirkii hore ayaa si weyn looga dareemay gudaha Qatar iyo dalal badan oo caalamka ah, iyadoo hoggaamiyeyaal iyo hay’ado caalami ah ay direen farriimo tacsi ah oo lagu maamuusayo doorkii taariikhiga ahaa ee uu ku lahaa horumarka casriga ah ee Qatar.

Back