Back

WAR DEG-DEG AH

Radiokg

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inay si wadajir ah u qabtaan shir jaraa’id saacadaha soo socda.

Shirka ayaa la filayaa in labada hoggaamiye ay kaga hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, amniga iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Faahfaahin dheeraad ah iyo qodobada rasmiga ah ee shirka kasoo baxa ayaan idinla socodsiin doonnaa marka uu billowdo.

Back