Golaha Wakiillada Mareykanka oo Meelmariyey Qaraar Ka Dhan ah Dagaalka Iran
Golaha Wakiillada Mareykanka (House of Representatives) ayaa ansixiyey qaraar ku baaqaya in Madaxweyne Donald Trump uu joojiyo hawlgallada militari ee ka dhanka ah Iran haddii uusan oggolaansho rasmi ah ka helin Kongareeska. Qaraarka ayaa ku meelmaray codad gaaraya 215, halka 208 xildhibaan ay ka hor yimaadeen.
Qaraarkan, oo ku saleysan War Powers Resolution Act, waxaa taageeray dhammaan xildhibaannada Dimuqraadiga iyo afar xubnood oo ka tirsan Jamhuuriga, taasoo muujinaysa mucaaradad naadir ah oo ka dhex dhalatay xisbiga Trump.
Si kastaba ha ahaatee, qaraarku si toos ah uma joojinayo dagaalka, maadaama uu weli u baahan yahay in uu maro Golaha Senate-ka, sidoo kalena Madaxweyne Trump uu diidi karo haddii uu gaaro miiskiisa.
Go’aankan ayaa loo arkaa dharbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday maamulka Trump, iyadoo Kongareeska uu doonayo inuu dib u xaqiijiyo awooddiisa dastuuriga ah ee ku saabsan ku dhawaaqista iyo maareynta dagaallada.