Back

Mas’uuliyiinta Dowladda Koonfur Galbeed Oo Booqday Xeryaha Ciidamada Booliiska Gaarka ah Ee Duleedka Baydhabo

RadioKG

Radio Koonfur Galbeed

Mas’uuliyiinta Dowladda Koonfur Galbeed Oo Booqday Xeryaha Ciidamada Booliiska Gaarka ah Ee Duleedka Baydhabo

Baydhabo, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdiqaadir, oo ay wehliyaan Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed Ugaas Xasan, General Aamiin Maxamed Cusmaan, Malaaq Shanla Gaab iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa maanta booqasho dhiirrigelin iyo kormeer ah ku tagey xeryaha Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ku xoojinayso niyadda iyo tayada ciidamada amniga, gaar ahaan kuwa ku howlan sugidda amniga iyo difaaca shacabka. Mas’uuliyiinta ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada, iyagoo sidoo kale indha-indheyn ku sameeyey xaaladda iyo diyaar-garowga ciidanka.

Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa si weyn u bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo adkeysiga ay ciidamada Booliiska Gaarka ahi ku muujinayaan gudashada waajibaadkooda qaran, iyagoo safka hore kaga jira difaaca shacabka, ilaalinta nabadgelyada iyo dadaallada dib-u-xoreynta deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiintu waxay ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda, isla markaana ay adkeeyaan wadajirka iyo feejignaanta si loo xaqiijiyo amni waara, xasillooni iyo dib u soo celinta maamulka deegaannada ay weli ka jiraan caqabadaha amni.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaaggeeda ciidamada amniga, iyadoo ku baaqaysa in shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Back