Madaxweynayaashii Hore Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo oo Kulan Ku Leh Hoyga Shariif Sheekh Axmed
lo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ay socdaan kulamo iyo wada-tashiyo siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu, labada mas’uul ayaa is dhaafsanaya aragtiyo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wixii ka dambeeyay iska horimaadkii ka dhashay tallaabadii ciidamada dowladda federaalka ay ku hor istaageen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, xilli ay mucaaradku qorsheynayeen bannaanbax ay ku muujinayeen diidmadooda hannaanka doorashooyinka iyo muddo-kororsiga.
Ciidamada dowladda federaalka ayaa xilligaas weerar ku qaaday deegaannada ay ku sugnaayeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, taas oo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd arrimaha doorashooyinka.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac oo xaqiijinaya ama si faahfaahsan u sharaxaya nuxurka kulamadan iyo qodobbada sida gaarka ah looga hadlay.