Ciidamo Laga Soo Daad-Gureeyey Xudur Oo La Geeyey Baydhabo, Walaac Laga Muujiyey In Colaadda isu Beddesho Dagaal Qabiil

moretroips


Wararka laga helayo magaalada Xudur ayaa sheegaya in ciidamo laga soo daad-gureeyey halkaasi, kuwaas oo maanta iyo sheley laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo. Ciidamadan ayaa isugu jira maleeshiyaad beeleedyo iyo xubno ka tirsan Guutada 8-aad, iyadoo tiradooda lagu qiyaasay ku dhowaad 200 askari.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo, Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, aya amar ku bixiyey ciidamadan loo adeegsado weerar ka dhan ah ciidamada Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Dadka deegaanka iyo falanqeeyeyaasha xaaladda amniga ayaa walaac weyn ka muujinaya suurtagalnimada in dagaalkaasi isu beddelo colaad qabiil oo sii hurisa xaaladda cakiran ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in dagaal cusub uu sababo barakac, khasaare naf iyo maalba leh, iyo xaalad bani’aadannimo oo sii xumaata.