Madaxweyne Laftagareen Oo Ka Hadlay Dhibaatada Barakaca iyo Amni Darada Ka Taagan Koonfur Galbeed
Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay maanta la tacaalayaan duruufo aad u adag oo isugu jira barakac, amni darro, nolol xumo iyo cabsi joogto ah, isagoo xusay in shacabkaasi ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah iyo garab istaag dhab ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhaliilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, isagoo ku eedeeyay inuusan u muujin wax naxariis ama damqasho ah shacabka dhibaatadu saameysay, islamarkaana uu ku mashquulay dano siyaasadeed iyo loollan awood raadis ah.
“Madaxweynihii hore Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa mid siyaasadda keliya ku miyir beelay, kana iskana indha tiraya dhibaatada iyo silica shacabka rayidka ah ee maalin kasta la kulmaya barakac iyo tacaddiyo,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay muujiyaan samir iyo adkeysi, isagoo caddeeyay in dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay sidii looga gudbi lahaa xaaladda adag ee jirta, isla markaana dib loogu soo celin lahaa nabadda, xasilloonida iyo adeegyada aasaasiga ah.
“Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay adkeystaan, mar dhowna laga gudbi doono dhibaatada jirta, haddii Alle idmo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweyne Laftagareen.