Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Oo Ka Digay Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Shacabka Rayidka Ah

wsirka sercurity

Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Oo Ka Digay Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Shacabka Rayidka Ah

Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xasan Cabduqaadir, ayaa si adag uga digay xadgudubyada iyo tacaddiyada ay ciidamada ku soo duulay deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed u geysanayaan shacabka rayidka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in falalkaasi ay isugu jiraan dhac, handadaad, cabsi gelin iyo weerarro habeenkii lagu qaado guryaha dadka shacabka ah, kuwaasi oo dhibaato weyn ku haya amniga iyo xasilloonida bulshada.

Mudane Xasan Cabduqaadir wuxuu carrabka ku adkeeyay in falalkan ay si cad uga soo horjeedaan Dastuurka, shuruucda iyo qawaaniinta dalka, isla markaana ay xadgudub ku yihiin qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *