WARARKA MUHIIMKA

Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Ku Guuleystay Shahaadada PhD ee Qaanuunka iyo Cilmiga Siyaasadda

PHD Mohamed Mursal
📅 July 8, 2026 at 8:56 PM

Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna xubin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa gaadhay guul aqooneed oo muhiim ah, kaddib markii uu si guul leh u difaacay cilmi-baaristiisii heerka Doctor of Philosophy (PhD) ee Qaanuunka iyo Cilmiga Siyaasadda, isaga oo ku mutaystay darajada ugu sarreysa ee “Mumtaaz” (Excellent / ممتاز).

Cilmi-baarista uu soo bandhigay ayaa xambaarsan cinwaanka:

«النظام السياسي الصومالي في ظل المتغيرات الإقليمية والدولية: دراسة تحليلية في التحديات والفرص»

Munaaqashadii cilmiyeed ee lagu qiimeeyay daraasaddan ayaa socotay saacado badan, iyadoo guddiga munaaqashada ay si qoto dheer u falanqeeyeen nuxurka cilmi-baarista, habraaceeda iyo wax-ku-oolnimadeeda. Dhammaadkii qiimeynta, guddigu waxay ku abaalmariyeen darajada ugu sarreysa ee Mumtaaz, taas oo muujinaysa heerka sare ee tayada iyo qiimaha aqooneed ee cilmi-baarista.

Kadib munaasabadda difaaca, Dr. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa farriin mahadnaq ah la wadaagay bulshada, isagoo yiri:

“Guushan waxaan ugu horrayn ugu mahadcelinayaa Alle SWT, oo ii sahley inaan gaaro heerkan qiimaha badan. Sidoo kale, waxaan si qoto dheer ugu mahadcelinayaa kormeerahayga, xubnaha sharafta leh ee guddiga munaaqashada, macallimiintayda, qoyskayga, asxaabtayda, iyo dhammaan intii igu garab istaagtay.”

Helitaanka shahaadadan PhD waxay ka dhigan tahay guul cusub oo ku soo korortay taariikhda aqooneed iyo hoggaamineed ee Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waxaa sidoo kale loo arkaa tallaabo muujinaysa muhiimadda ay leedahay aqoonta sare iyo cilmi-baaristu, gaar ahaan marka ay si toos ah ula xiriirto horumarinta dowladnimada, sharciga iyo maamulka.

Guushan ayaa dhiirrigelin u noqonaysa dhallinyarada Soomaaliyeed, aqoonyahannada iyo dhammaan bulshada ku howlan raadinta waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo horumarinta dalka, iyadoo muujinaysa in dadaalka, samirka iyo waxbarashadu ay horseedi karaan guulo waaweyn oo u adeegaya bulshada iyo qaranka.

Back