Soomaaliya oo u dabaaldegay 66-guurada Maalinta Jamhuuriyadda iyo Midnimada
Shacabka Soomaaliyeed gudaha dalka iyo daafaha dunida ayaa maanta u dabbaaldegaya 66-guurada Maalinta Jamhuuriyadda iyo Midnimada Soomaaliya, oo ku beegan 1-da Luulyo, maalin taariikhi ah oo lagu xuso mideyntii gobolladii waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya sannadkii 1960, taasoo dhalisay aas-aaska Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay munaasabado kala duwan oo ay ka mid yihiin calan-saar, bandhigyo ay soo bandhigeen ciidamada qalabka sida, iyo xaflado lagu maamuusayo halgankii gobonnimada iyo doorkii ay geesiyaasha Soomaaliyeed ka qaateen xoreynta dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka inay maalintan u dabaaldegaan si nabad ah, iyagoo xoojinaya midnimada, wadajirka iyo horumarka qaranka.
Maalinta 1-da Luulyo waxay leedahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay mideyntii Gobolladii Waqooyi, oo xornimada ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska 26-kii Juun 1960, iyo Gobolladii Koonfureed, oo xornimada ka qaatay Talyaaniga 1-dii Luulyo 1960. Labada dhinac ayaa isla maalintaas ku midoobay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Soomaalida ku nool dalalka dibadda ayaa sidoo kale qabanqaabiyay munaasabado lagu xusayo maalintan, kuwaas oo lagu soo bandhigayo hidaha, dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed, si loo adkeeyo xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee caalamka.
Iyadoo la xusayo sanad-guuradan, shacabka Soomaaliyeed ayaa dib u milicsanaya halgankii gobonnimada iyo dadaalladii horseeday dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyagoo rajeynaya mustaqbal ay saldhig u yihiin nabad, midnimo, horumar iyo dowladnimo xooggan.