Maraykanka oo qorsheynaya inuu joojiyo taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
Dowladda Maraykanka ayaa qorsheynaysa inay joojiso taageerada ay siiso xafiiska Qaramada Midoobay ee qaabilsan adeegyada saadka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), laga bilaabo sanadka 2027. Go’aankan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda dalka.
Howlgalka AUSSOM, oo ay ku jiraan ku dhowaad 12,000 askari oo ka socda dalalka Afrika, wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay taageerada Qaramada Midoobay ee dhinacyada gaadiidka, shidaalka, cuntada iyo adeegyada caafimaadka.
Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Reuters, Maraykanku wuxuu rumeysan yahay in horumarka laga filayay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uusan u socon sidii la rabay, isla markaana khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya ay caqabad ku yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka. Dowladda Maraykanku waxay sidoo kale sheegtay inay Soomaaliya u baahan tahay inay si tartiib tartiib ah u qaadato mas’uuliyadda amnigeeda.
Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika ayaa ka digay in haddii aan la helin ilo kale oo dhaqaale iyo taageero ah, howlgalka AUSSOM uu wajihi karo dhibaatooyin waaweyn oo saameyn kara hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Inkasta oo Maraykanku uusan diidin in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyo muddada howlgalka, haddana wuxuu ka soo horjeedaa in Qaramada Midoobay sii waddo bixinta taageerada saadka ee howlgalka.
Go’aankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado amni, iyadoo Al-Shabaab ay weli ka howlgasho deegaanno badan oo dalka ka mid ah.