Midowga Afrika oo Shir Degdeg ah ka Yeeshay Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
Addis Ababa – 4 Luulyo 2026
Midowga Afrika (AU) ayaa qabtay shir degdeg ah oo looga hadlayo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kadib markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday inay joojin doonto taageeradii dhaqaale ee ay siin jirtay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo bixiya adeegyada muhiimka ah ee hawlgalka.
Shirkan ayaa lagu qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa, waxaana ka qeyb galay saraakiil ciidan iyo wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.
Mas’uuliyiinta Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay saameynta ka dhalan karta go’aanka Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka, saadka, adeegyada caafimaadka iyo howlaha ciidamada AUSSOM ee ka howlgala Soomaaliya.
AUSSOM oo ay ku sugan yihiin ku dhowaad 12,000 askari, ayaa door muhiim ah ka qaadata taageeridda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in haddii aan la helin ilo dhaqaale oo cusub ama taageero kale oo caalami ah, hawlgalka AUSSOM uu wajihi karo caqabado waaweyn oo saameyn kara amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika kama aysan soo saarin war rasmi ah oo caddeynaya tallaabooyinka xiga ee lagu xaqiijinayo sii socoshada hawlgalka.