Wasaaradda Amniga KGS oo Hay,adaha Samafalka Fariin Amni U dirtey

wsirka-sercurity.webp

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa lagu wargeliyey dhammaan hay’adaha bani’aadannimada iyo ururrada ka shaqeeya Baydhabo in magaalada laga fulin doono hawlgallo amni oo socda maalmaha soo socda.

Wasaaraddu waxay hay’adaha kula talisay inay xaddidaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalahooda isla markaana ay joogaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada OUSSOM si loo xaqiijiyo ammaankooda iyo badqabkooda.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in ogeysiiskan loo soo saaray ilaalinta shaqaalaha gargaarka iyo ka hortagga waxyeello ama dhacdooyin amni oo saameeya hawlahooda.