DEG-DEG: Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dooranaya Guddoomiye Cusub
Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in uu doorto Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo xilkan ay u tartamayaan laba musharrax.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa horey uga tanaasulay xilka, taasoo keentay in la qabto doorashada lagu soo dooranayo guddoomiye cusub.
Doorashada maanta ayaa noqon karta mid muhiim u ah jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo natiijadeeda si weyn loo sugayo.
La soco wararkeena ugu dambeeya iyo natiijada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.