War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Jaamacadda Carabta ayaa si adag loogu cambaareeyay booqashadii Madaxweynaha maamulka Waqooyiga Soomaaliya.

Radio KG
📅 June 16, 2026 at 8:48 PM

16 Juun 2026

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, ayaa si adag u cambaareeyay booqashadii uu Madaxweynaha maamulka Waqooyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku tagay magaalada Qudus ee Yuhuuddu xoogga ku haysato iyo furitaankii dhisme loogu magac daray “Safaarad”.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tallaabadan ay tahay mid sharci ahaan waxba kama jiraan ah, isla markaana ay tahay isku day lagu meelmarinayo arrin ka hor imanaysa madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo sidoo kale ka soo horjeedda Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka sharciga caalamiga ah. Waxa kale oo uu tilmaamay in tallaabadan ay dhacday xilli ay Israa’iil sii waddo falalka ka dhanka ah xuquuqda shacabka Falastiin.

Aboul Gheit wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta maamulkaas inay dib u eegaan siyaasadooda, isla markaana aysan danaha dadka deegaanka ku dhex milmin qorshayaal iyo ajandayaal dibadeed oo aan u adeegayn danaha shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ka digay in gobolka lagu xidho danaha gumaysiga Israa’iil, taas oo ka faa’iidaysanaysa khilaafaadka jira si ay u sii huriso una sii qoto dheereyso xasillooni darrada gobolka iyo joogitaankeeda milatari iyo siyaasadeed.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta inay si geesinimo iyo masuuliyad leh uga qayb qaataan wada hadal dhab ah oo dhex mara dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyada oo laga duulayo xiriirka bulsho, taariikheed, qabiil iyo diimeed ee mideeya shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka ee nabadda, amniga iyo xasilloonida.

Dhankiisa, afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud, Jamaal Rushdi, ayaa xaqiijiyey in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda ula garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay madaxbannaanideeda, xornimadeeda iyo midnimada dhulkeeda.

Wuxuu xusay in Golaha Jaamacadda Carabtu uu hore, kulan aan caadi ahayn oo dhacay 28 Diseembar 2025, ugu tilmaamay xiriir kasta oo lala yeesho maamulka Waqooyiga Soomaaliya iyo Israa’iil inuu khatar ku yahay amniga qaranka Carabta, nabadda iyo xasilloonida gobolka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.

Waxa kale oo uu sheegay in Xoghayaha Guud uu sii wadi doono dadaallada lagu mideynayo mowqif Carbeed, Afrikaan iyo mid caalami ah si looga hortago dhaqdhaqaaqyadan loona ilaaliyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Back