Madaxweynihii Hore Shariif Sheekh Axmed Oo Ka Baxay Deegaankii Uu Ku Sugnaa Kadib Wadahadallo Iyo Dhexdhexaadin

shrafi

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu qanciyay inuu ka baxo deegaankii uu ku sugnaa ee Degmada Cabdicasiis, islamarkaana dib ugu laabto hoygiisii hore, kadib is-hormaad iyo xiisad socotay dhowr maalmood.

Xiisadda ayaa salka ku haysay mudaaharaadyo ay soo qabanqaabiyeen mucaaradka, kuwaas oo looga soo horjeeday muddo-kororsiiga dowladda Federaalka.
Arrintantaan waxaa dhex-dhexaadin ka galay qaar ka mid ah dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya iyadoo sidoo kale ay ka qayb qaateen siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu goobta kala baxay ciidamadii iyo hubkii la socday, kadibna uu dib ugu noqday hoygiisii hore, iyadoo tallaabadan loo arkayo mid gacan ka geysan karta dejinta xiisadda taagnayd.