Khudbadaha Siyaasadeed ee Madaxweynihii Hore Hassan Sheikh Mohamud Ka Jeediyo Masaajidyada iyo Munaasabadda Ciidda Carafo
Hassan Sheikh Mohamud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa noqday siyaasi si joogto ah uga hadla arrimaha siyaasadda gudaha masaajidyada, gaar ahaan Masjidka Madaxtooyada iyo kan Isbahaysiga Islaamka. Goobahaas ayuu marar badan kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo dhaliilo u jeediyey siyaasiyiin iyo madax kale oo ka aragti duwan.
Arrintan ayaa dhalisay dood ballaaran oo ku saabsan adeegsiga goobaha cibaadada ee khilaafaadka siyaasadeed, iyadoo diinta Islaamku ku boorrisay in masaajidyadu noqdaan goobo lagu xuso Alle, lagu mideeyo bulshada, lagana ilaaliyo wax kasta oo horseedi kara fitno iyo kala qaybsanaan bulsho.
Maanta oo ku beegnayd munaasabadda Ciidda Carafo, Xasan Sheekh ayaa mar kale khudbaddiisa salaadda kadib kaga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee heshiiska aan lagu ahayn Sidoo kale, wuxuu hadallo dhaliil ah u jeediyey qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka, taas oo sii xoojisay doodda la xiriirta in munaasabadaha diinta iyo masaajidyada loo adeegsado fariimo siyaasadeed.
Iyadoo Khudbaddii maanta uu ka jeediyey Misaajidka Isbahaysiga dad badan u arkeen mid xambaarsan hanjabaad iyo weerar uu ku wajahayo madaxda mucaaradk.
Arrintan ayaa waxaa si weyn u dhaliilay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ku eedeeyey madaxweynihii hore inuu masaajidyada ka jeediyo hadallo siyaasadeed iyo balanqaadyo aan marar badan hirgelin. Dadka dhaliilaya ayaa sidoo kale tilmaamay in mararka qaar khudbadihiisa ay xambaarsan yihiin hadallo kulul iyo kuwo loo fasiran karo hanjabaad oo ku wajahan siyaasiyiin kale iyo shacabka Soomaaliyeed.