Amni-darro Sii Kordheysa oo Ka Taagan Magaalada Baydhabo iyo cabashida Shacabka oo Sii Xoogeysatay

Radio KG

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii ugu dambeeyey wajahaysay xaalado amni darro oo sii kordhaya, kadib dhacdooyin isdaba joog ah oo ay shacabka si weyn uga cabanayaan. Dhacdadii ugu dambeysey ayaa timid kadib markii xubno ka tirsan ciidamada dowladda federaalka lagu eedeeyey inay dhac u geysteen haweenka qaadka ku iibinayey waddooyinka magaalada Baydhabo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in falalka noocaan oo kale ah ay noqdeen kuwo soo noqnoqda, iyadoo habeenkii ay jiraan kooxo hubeysan oo dadka shacabka ah ka qaata teleefannada gacanta, lacagaha iyo agabka kale ee ay wataan. Cabashada shacabka ayaa sii xoogeysatay, iyadoo ganacsatada yaryar, darawallada iyo dadka ku nool xaafadaha magaalada ay muujinayaan walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni ee guud ahaan Baydhabo.

Arrimahan amni darrada ah ayaa sidoo kale la sheegay inay sabab u noqdeen in qaar kamid ah ciidamada ay ku biiraan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kadib markii ay ka caroodeen falalka dhaca iyo tacaddiyada loo geysanayo shacabka rayidka ah.

 xaaladaan ayaa dhalisay caro iyo kacdoon, Qaar kamid ah bulshada ayaa ku tilmaamay xaaladda mid halis gelin karta xasilloonida magaalada haddii aan tallaabo adag laga qaadin falalkaasi.

Ugu dambeyn, xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa u muuqata mid sii xumaanaysa, iyadoo falalka dhac iyo cabsi gelinta shacabka ay si joogto ah u soo noqnoqonayaan. Arrintan ayaa abuurtay walaac ballaaran oo ay muujiyeen dadka deegaanka.