Maalinta Carafo iyo Midnimada Malaaayiinta Muslimiinta

Radio Kg

yadoo maanta ay ahayd maalinta sagaalaad ee bisha Dul-Xijjah, isla markaana malaayiin muslimiin ah ay taagnaayeen bannaanka Carafo si ay u gutaan waajibaadka ugu weyn ee Xajka, ayaa tirada guud ee xujeyda sanadkan lagu qiyaasay ku dhowaad 1,800,000 (hal milyan iyo sideed boqol oo kun) oo xujaaj ah oo ka kala yimid daafaha caalamka.

Xujeyda ayaa maanta ku sugnaa Masjidka Namira iyo bannaanka weyn ee Carafo, halkaas oo laga jeediyey khudbaddii weynayd ee Carafo. Khudbadda sanadkan ayaa diiradda lagu saaray towxiidka, cabsida Alle, midnimada ummadda Muslimiinta, towbad keenka iyo muhiimadda ay leedahay in muslimiintu ka fogaadaan khilaafaadka iyo colaadaha.Sidoo kale, khudbadda waxaa lagu booriyey muslimiinta inay ilaashadaan akhlaaqda wanaagsan, is-ixtiraamka iyo wadajirka bulshada Muslimiinta, iyadoo si gaar ah loogu duceeyey nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada dunida Muslimka.

Xujeyda ayaa caawa u hoyanaya deegaanka Muzdalifa, halkaas oo ay ku qaadan doonaan habeenka, si ay aroornimada berri ugu dhaqaaqaan Mina, iyadoo ay bilaaban doonto maalinta ugu horreysa ee gudashada waajibaadka dhagax-tuurka Shaydaanka.

.