WARARKA MUHIIMKA

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in duqeymo ka dhacay Shabeellaha Dhexe lagu dilay ku dhowaad 30 ka tirsan Al-Shabaab

radio kg
📅 June 28, 2026 at 8:11 AM

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ay fuliyeen duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanno ay kooxdaasi ku sugneyd, isla markaana lagu dilay ku dhowaad 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid, mootooyin, hub iyo saanad ciidan oo ay kooxdaasi isticmaali jirtay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in duqeymuhu ay qayb ka yihiin howlgalada socda ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab iyo in laga hortago weerarro ay qorsheynayeen.

Ilaa iyo hadda, Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashada dowladda, mana jirto ilo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijiyay tirada khasaaraha lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay kordhisay howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo taageero ka helaysa saaxiibbada caalamiga ah, kuwaas oo isugu jira duqeymo cirka ah iyo taageero dhinaca sirdoonka ah.

Back