Bannaanbaxyo Ka Socda Kenya iyadoo Ammaanka la Adkeeyay
Nairobi, Kenya – Booliska Kenya ayaa xiray waddooyin muhiim ah oo gala bartamaha Nairobi, iyadoo maanta la filayo bannaanbaxyo lagu xusayo laba sano guuradii kasoo wareegtay mudaaharaadyadii waaweynaa ee dhacay 2024.
Kumannaan qof ayaa markaas ka dhiidhiyay canshuuro cusub oo ay dowladda qorsheysay, waxaana mudaharaadyadaasi sababeen in dowladda ay ka laabato qorshahaas kadib cadaadis xooggan oo shacabka ka yimid.
Dibadbaxayaasha maanta ayaa sheegay inay dalbanayaan caddaalad loo helo dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharaadyadii hore. Magaalada Nairobi iyo meelo kale ayaa laga dareemayaa feejignaan amni oo sare, iyadoo ciidamada booliska si weyn loo geeyay waddooyinka.
Wararka ayaa sheegaya in meelo ka mid ah magaalada ay ka dhaceen iska horimaadyo kooban, halka boolisku ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala diraan kooxo isu soo baxay.
Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan nabadgelyo, kana fogaadaan rabshadaha iyo burburinta hantida.
Bannaanbaxyadan ayaa mar kale iftiiminaya baaqyada shacabka Kenya ee ku aaddan caddaalad, isla xisaabtan iyo xaalad dhaqaale oo wanaagsan.