Somaliland oo beenisay in Isra’el kuleedahay Saldhig Ciidan Somaliland.
Somaliland ayaa sheegtay in aysan jirin wax saldhig ciidan ah oo ay Israel ku leedahay Somaliland, hase yeeshee ay jirto iskaashi ku saabsan tababarka ciidamada ammaanka. Sidoo kale inaysan jirin wax wada-hadallo ah oo ku saabsan in saldhig militari laga siiyo dalkaas.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar kala duwan oo tilmaamayay in Israel ay danaynayso inay joogitaan militari ka sameysato Somaliland, taasoo dhalisay dood iyo falcelin siyaasadeed oo ballaaran.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka ee Somalia ayaa si adag uga hor timid xiriir kasta oo la sheegay in uu dhexmaray Israel iyo Somaliland, iyadoo ku adkaysanaysa in Somaliland ay weli ka tirsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Reuters, Somaliland ayaa la sheegay inay doonayso in ay ballaariso iskaashiga ay la leedahay Israel, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, beeraha, biyaha, iyo tiknoolajiyadda.