Dagaal Culus oo Ka Qarxay Howlwadaag
Dagaal culus ayaa ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu ka dhacay agagaarka iskuulka Dhagaxtuur, meel ku dhow guri uu degan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Lama hayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha, waxaana la sheegay in uu u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ilaalada Kheyre. Dowladda weli kama aysan hadlin.
Kheyre ayaa sheegay in weerar lagu qaaday hoygiisa xilli uu shir la lahaa odayaal dhaqameed, isagoo dowladda ku eedeeyay mas’uuliyadda dhacdada.