Xiisadda Dagaal ee Baydhabo, Doorashada Aan Heshiiska Lagu Ahayn iyo Khatarta Colaadda Gudaha
Xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan magaalada Baydhabo ayaa noqotay mid ka mid ah arrimaha ugu murugsan ee saameynta ku yeeshay guud ahaan jihada siyaasadeed ee dalka. Dad badan ayaa aaminsan in siyaasadda Madaxweynaha muddoxileedkiisu dhammaaday, Xasan Sheekh, ay dalka gelisay xaalad cakiran, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ku doodaya in halkii diiradda lagu saari lahaa xalinta colaadaha, dib-u-heshiisiinta iyo soo celinta xasilloonida, ay xoogga saareen hirgelinta doorasho aan weli heshiis qaran laga gaarin, taas oo tijaabo ahaan looga bilaabay deegaannada Koonfur Galbeed.
Doorashada hadda ka socota Baydhabo ayaa noqotay qodobka ugu weyn ee muranka siyaasadeed. Dhinacyo badan ayaa ku tilmaamay mid aan lagu dhisin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana lagu qabanayo xaalad amni iyo siyaasadeed oo aan degganayn. Mucaaradka iyo qayb ka mid ah bulshada ayaa qaba in doorasho kasta oo lagu qabto jawi colaadeed iyo iyadoo aan la helin is-afgarad siyaasadeed ay sii qoto-dheereyn karto khilaafka jira halkii ay xal u noqon lahayd. Sida ay qabaan dadka aragtidan leh, doorasho aan heshiis lagu ahayn waxay halis gelin kartaa sharciyadda hay’adaha ka soo baxa iyo xasilloonida siyaasadeed ee mustaqbalka.
Saameynta ugu weyn ee xaaladdan waxay ku dhacday shacabka rayidka ah. Amni-darro sii kordheysa, barakac baahsan, hoos u dhac dhaqaale iyo hakad ku yimid adeegyada bulshada ayaa noqday caqabadaha ugu waaweyn ee ay la tacaalayaan dadka ku nool Koonfur Galbeed. Cabashooyinka shacabka ayaa si joogto ah u kordhaya, iyadoo ay jirto dareen ah in khilaafaadka siyaasadeed ay ka hormareen baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada.
Dhanka kale, eedeymaha loo jeedinayo dowladda federaalka ee ku saabsan faragelinta arrimaha Koonfur Galbeed iyo sii socoshada hawlgallada militari ayaa sii xoojiyey kala fogaanshaha siyaasadeed. Dadka aragtidan qaba waxay ku doodaan in halkii xoogga la saari lahaa wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, la doorbiday tallaabooyin sii hurinaya xiisadda iyo kala qaybsanaanta bulshada.
Marka laga eego heer qaran, xaaladda Baydhabo ma aha oo keliya arrin ku kooban Koonfur Galbeed, balse waxay qayb ka tahay muran siyaasadeed oo ballaaran oo saameyn ku leh geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Haddii doorashada muranka badan dhalisay ay sii socoto iyadoo aan la helin heshiis siyaasadeed oo ballaaran, waxaa sii kordhi karta kalsooni darrada siyaasadeed iyo khatarta ah in murannada jira ay isu beddelaan iska horimaadyo hor leh.
Waxaa sidoo kale muuqata cabsi sii kordheysa oo la xiriirta in xaaladda hadda taagan ay dalka u horseedi karto colaad gudaha ah. Murannada siyaasadeed, isku dhacyada hubeysan iyo kala qaybsanaanta sii xoogeysanaysa ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka xasilloonida dalka. Taariikhda Soomaaliya waxay marar badan muujisay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada-hadal, tanaasul iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, halka tallaabooyinka hal dhinac ah ay inta badan horseedaan muran iyo xasillooni darro sii daba dheeraata.
Sidaa darteed, xalinta khilaafka Baydhabo waxay u baahan tahay geeddi-socod siyaasadeed oo ku dhisan is-afgarad, sharciyad iyo ka qaybgal loo siman yahay, si looga hortago in xiisadaha jira ay isu beddelaan qalalaase amni iyo mid siyaasadeed oo saameeya guud ahaan dalka.
Dr. Yahya Hassan.