Raadiyo 5 Warar·Codad·Falanqayn
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 27 Agoosto 2026
Gal
06:40
MUQDISHO

Maxkamadda Sare oo Laashay Doorashadii Galmudug, Ku Tilmaantay Mid Aan Waafaqsanayn Sharciga

Radio KG Newsroom 1 daq akhris
galmudug

🌐 Read in English →

2 daqiiqo akhris
La wadaag

Go’aanka Maxkamadda Sare, oo soo baxay 24-ka Agoosto 2026, ayaa lagu sheegay in doorashadii 30-kii Luulyo 2026 ka dhacday Galmudug aan loo maamulin, loona qaban hab waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Maxkamadda Sare oo Laashay Natiijadii Doorashadii Galmudug, Guddiga Doorashooyinkana Aqbalay Go’aanka

Muqdisho – 26 Agoosto 2026 – Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa laashay natiijadii ka soo baxday doorashadii isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyadoo amartay in doorashooyin cusub lagu qabto si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka dalka.

Maxkamaddu waxay tilmaantay in khaladaadkii ka dhacay hannaanka doorashada ay saameeyeen hufnaanta, xorriyadda iyo xalaalnimada doorashada, taasoo sababtay in natiijadii kasoo baxday aan loo aqoonsan mid sharci ahaan ansax ah.

Sida ku xusan go’aanka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa lagu amray inuu qabto doorashooyin cusub oo loogu talagalay Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Galmudug, iyadoo la raacayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka kale ee khuseeya doorashooyinka.

Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale go’aamisay in hay’adaha hadda ka jira Galmudug ay sii wadaan shaqadooda ilaa laga soo doorto hay’ado cusub, si looga fogaado firaaq maamul oo saameyn ku yeelan karta adeegyada bulshada iyo xasilloonida dowlad-goboleedka.

Sii akhri

Hel warbixinta maalinlaha ah

Hal warbixin oo Af-Soomaali ah maalintii, iyo wararka ka dambeeya. Wax kale ma jiro.

Wararka kale
WARBIXINTII U DAMBEYSAY Warbixinta Khamiis, 27 Agoosto 2026
Wararka