TRUMP OO KA DIGAY XIISADDA IRAN IYO ISRAA’IIL
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo wareysi siiyay mid ka mid ah kanaallada Israa’iil, ayaa sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uga digay xaaladda Iran.
Trump ayaa sheegay in uu Netanyahu u caddeeyay in haddii uu qaado tallaabooyin militari oo ka dhan ah Iran, uu la kulmi karo xaalad uu keligiis ku ahaanayo taageero la’aan siyaasadeed iyo mid ciidan.
Sidoo kale, Trump wuxuu xusay in Mareykanka uu doorbidayo xal diblomaasiyadeed iyo wadahadal, halkii laga geli lahaa dagaal toos ah oo ka dhaca Bariga Dhexe.
Hadalka Trump ayaa yimid xilli xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israa’iil ay sare u sii kacayso, isla markaana beesha caalamku ay ka digeyso in xaaladdu isu beddesho iska horimaad ballaaran.